Ra’isalwasaaraha Somaliya oo maanta tagaya Kismaayo

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta tagaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Safarka Ra’isalwasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland.

Xirsi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegay in safarka Ra’isalwasaaraha uu la xiriiro in la dhameeyo kala aragti duwanaanta labada dhinaca u dhaxeysa.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ahaa maamullada xiriirka u jaray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inkasta oo wadahadal u socdo labada dhinac.

Web master

Read Previous

Seven Somali Origins among victims of Ethiopian air crash

Read Next

Booliska Kaaraan oo qabtay Nin xirnaa dharka Haweenka