Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey martigelinta iyo soo dhoweynta, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo maalgashi, sida beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha. Isagoo tilmaamay in fursadahan ay u furan yihiin shirkadaha iyo maalqabeennada Shiinaha si ay u maalgashadaan.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei, ayaa Soomaaliya ku sifeeyay dal hodan ah oo leh fursado badan oo aan weli si buuxda loo maalgashan.

Waxaa uu caddeeyay in Ningxia ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso shirkadaha iyo maalqabeennada deegaanka si ay u booqdaan Soomaaliya, una sahamiyaan fursadaha jira, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay is dhaafsiga khibradaha amniga iyo difaaca

Read Next

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Gobolka Hiiraan