Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadlay Qaraxyadii Maanta ka dhacay Muqdisho.

RW Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha oo ku taalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda waxaana dadkii ku geeriyooday AUN Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla sidoo kalana ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada la weeraray ee shaqada iyo Shaqaalaha.

“Waxaan halkaan ugu tacsiyaynaa dadkii Soomaaliyeed ee ku shihiiday qarixii maanta ka dhacay wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshadda horteeda, waxaan dadkii ku shihiiday kuligood Illahey ugu baryaynaa in eheladoodiina Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo iyagana Jannadoo Illaahey ugu sii maceeyo” ayuu yirri Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo gaari laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay afaafka hore ee Wasaarada,Waxaana xigay rag hubaysan oo ka tirsanaa Al Shabaab oo weerar toos ah ku galay  dhismaha Wasaaradda.

Weerarka waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 10 ruux oo uu ka midyahey wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha waxaana ciidanka amaanka duhurnimadii maanta u suurta gashay in ay soo afjaraan weerarka.

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada weerkaan ayaa sheegay in ku dileen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya sidoo kalana  ay weerarka ku dileen dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda.

 

 

 

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirkeedii Switzerland.

Read Next

MW Farmaajo:Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga.