Ra’iisul wasaare Kheyre oo beesha Caalamka kala hadlay xakamaynta Covid-19 ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Xasan Cali Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha saaxiibka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay ku xasuusan doonaan hadba sida ay gacanta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag.

Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda iyo howsha iskudubba ridka ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay badbaadagda iyo bed-qabka bulshada ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geysay sidii ummadda Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa cusurkaan laayaanka ah ee dunida oo dhan dhibaatada ku haya.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta xakamaynta Xanuunka Dillaaga ah ee Coronavirus waxa ayna dalka ku soo rogtay talaabooyin lagu xakamaynayo Xanuunka Covid-19 saamayn taban ku yeeshay guud ahaan Caalamka.

Wasaaaradda Caafimaaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay kaliya ay diiwaangalisay 73-kiisas cusub oo ah dad qaaday xannuunka  Corona iyo dhimashada hal ruux oo ka dhigeysa guud ahaan dadka Soomaaliya ugu dhintay Covid-19, 8-ruux.

Kiisaska xanuunka Coronavirus ee gudaha dalka ayaa hada marayara 237 kiis sida laga soo xigtay wasaaradda Caafimaadka Xukumada dalkaan dhaca geeska qaaradda Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shalay sheegtay in isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir qayb kamid ah ay u adeegsanayaan kahor tagga cudurka Coronavirus, maadaama kiisaska dadka uu haleelay ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeyso.

MM Staff

Read Previous

Maraykanka:-si joogto ah aan u diidanahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.

Read Next

Ethiopia: Unaccompanied Eritrean Children at Risk.