Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Ugu yaraan 7-ruux ayaa ku geeriyootay rabshado ka dhacay dalka Bangaladesh taas oo la xiriirta Wakiilada Golaha Deegaanka ee Doorashada la filayo in ay dalkaas ka qabsoonto oo uu hareeyay muran & isku dhac.
Xisbiga talada haya ayaa libin ka sheegtay codadka la tiriyay balse waxaa walaac ka muujiyay Xisbiga Mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta u xusul-duubeysa sidii ay u qabsan lahaayeen awoodda maamulka guud ee Dalka.
Rabasho ayaa hareeyay meelaha qaar, meelaha ugu daran ee isku dhacyada ka dhaceen waxaa kamid ah goobaha miyiga ah ee la geeyay sanaadiiqda codbixinta, dadkii codeynayay ayaa lagu dul dagaalamay sida ay tebisay Warbaahinta.

Isku dhacdayada ayay dhinacyadu isu adeegsadeen qoryo, Warmo & ulo adag, Degmada Narsingdi ee Bartamaha Bangladesh waxaa laga diiwaangeliyay in codbixiyaasha laga hor istaagay goobaha codeynta kaddib markii saddex qof laga dilay.
Sarkaal katirsan Booliiska oo lagu magacaabo Satyajit Kumar Ghosh ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay gaarayaan ugu yaraan 20-ruux waana suuragal in khasaaraha uu intaas ka bato balse ma jirto cid loo xiray dambigaas.
Mustaqbal
