Ehelka Maxaabiista Xamaas ay afduubka ku haysato ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in uu caqabad ku hayay sidii ay dib u midoobi lahaayeen xubnaha qoyskooda ee labada sano afduuban.
Waxa ay intaas ku dareen in Netanyahu uu diidan yahay dhabbaha wadahadalka ee lagu sii dayn karo maxaabiista isla markaana aanay awoodin in uu xoog kusoo furto, tani ayay ku tilmaameen in ay tahay caqabadda keliya ee hortaagan Dadkooda.
“Netanyahu waa caqabadda keliya ee hortaagan in aan dib u midowno xubnaha qoyskeenna ee afduuban, waxa uu hor taagan yahay wadahadalka halka sidoo kale aan u suuragalin in uu xoog kusoo furto” Sidaasi waxaa yiri qoysaska Maxaabiista Israa’iil laga haysto.
Qaar kamid ah xubnaha qoysaska la haysto ayaa sheegay in ay dacwad la tiigsanayaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil haddii dadkooda ay dhintaan inta ay ku jiraan gacanta Xamaas maadaama muuqaallada laga soo duubay ay rajo beel gelinayaan.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa horay Xamaas ugu eedeeyay in muuqaallada ay kasoo duubayso Maxaabiista Yuhuudda ah ay haysato ay tahay qayb kamid ah dagaalka ay kula jirto si ay uga horkeento qoysaskooda una dibadbaxaan sida uu hadalka u dhigay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa Sabtidii u safray Tel Aviv isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Netanyahu si wadahadalkii Dooxa dib loogu soo celiyo hannaankii ay ku socdeen, waxaa su’aal la dul dhigay sida uu u socon karo wixii ka dambeeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaadday xarunta Qadar todobaadkii hore.
Israa’iil waxa ay qiratay in wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 laga dilay 1,200 halka laga dhaawacay 251 kale, balse waxaa jira warbixinno madaxbannaan oo kordhinaya tiradaas maadaama dagaalka tooska ah lagu dilay askar iyo saraakiil kale.
Xukuumadda Netanyahu ayaa Magaalada Gaza ku dishay ugu yaraan 64,605 qof oo rayid ah halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, waxaa intaas dheer in meelo ka baxsan dhulka falastiin weerarro ay ka fulisay ka gaysatay khasaara badan.
Mustaqbal
