Qof u karaantiilnaa Cudurka Coronavirus oo ku geeriyooday Garoowe.

Guddiga kahor tagga faafidda iyo baarista Cudurka Coronavirus u qaabilsan Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in mid kamid ah dad u karaantiilnaa shakiga Covid-19 uu ku dhintay Magaalada Garoowe.

Qofka dhintay waxaa ku socday Baaris illaa iminka aan la shaacin natiijada dhiigga laga qaaday in uu qabo xannuunka iyo in kale, waxaana la sheegayaa in uu aad u liitay saacadihii lasoo dhaafay kahor inta uusan geeriyoon.

Warar ay heshay Mustaqbal waxa ay sheegayaan in natiijada Baarista maanta ay ku dhawaaqayaan Guddiga kahor tagga cudurka Coronavirus ee Dowlad Goboleedka Puntland, iyaga oo kala caddeynayaa in qofkaas uu u dhintay cudurka iyo in kale.

MM Editor

Read Previous

“Waxaa nasoo gaaraya in Maciishadda iyo qudul-duruuriga ah sare ukac ku yimid, looma dulqaadan doono”Wasiirka Ganacsiga XFS.

Read Next

Hay’adda Cunnada Adduunka WFP oo ku dhawaaqday 10-dal oo wajahaya Macluul iyo dhibaato dhaqaale.