Qaxooti horleh oo gaaray xeryaha Dhadhaab oo ka cabanaya cunno la’aan heysata.

Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab waxaa ku sugan Malaayiin Ruux oo Soomaali ah oo dalkooda kala baxsaday nafsaddooda waqtiyo iyo waaya kala duwan uu dalka soo maray si ay u helaan nolol uga wanaagsan midda waddankooda.

Bilihii u dambeeyay waxaa Xeryaha dhadhaab gaaray Qaxooti aan tira-koob rasmi ah laga heyn oo aan weli qaadan kaararka ay bixiso Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada, Caafimaadka & Qaxootiga si ay u helaan gunnada la siiyo dhiggooda xeryaha uga horreeyay.

Waxa ugu weyn ee sal kiciyay dadkaan waa Abaarta ka jirta Soomaaliya maadaama Xoolo dhaqato & Beeraley ay u badnaayeen waxa ay waayeen wixii ay noloshu ku maareyn lahaayeen mar haddii ay waayeen Xoolihii ay dhaqanayeen & Beerihii ay falanayeen.

Qaarkood ayaa cagahooda ku tagay Xeryaha kaddib markii ay awoodi waayeen Gaadiidka halkaas aada, maalmo badan ayay kusii jireen jidka dheer ee ka billowday deegaanka ay isaga tageen ee ku dhammaanaya goobta ay rabeen oo ah Xeryaha Dhadhaab.

Waxa ay la kowsadeen Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ma heystaan cunno ay ku afuraan, ku saxuurtaan & lacag ay ku iibsadaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, taasi waxa ay ku sababtay culeys horleh oo ay doonayaan cid ka garabsiisa sidii ay uga tallaabi lahaayeen xaaladdaas adag.

Xuseen Cali Cabdulle waxa uu kamid yahay Dadka ka barakacay DG Jubbaland waxa uu maalmo kahor billaabay nolosha Qaxootinimada ee Xerada Dhagaxley, waxa ay dalbadeen in la garab istaago si ay uga gudbaan waqtiga adag ay ku jiraan.

“12 ruux ayuu qoyskeenu ka kooban yahay, afurkeenu waa rafaad & dhib waayo ma heysano wax aan cunno, shaqo iyo cid na garab taagan, meeshaan waan ku cusub nahay, Habeennada qaar waxaa dhacda in aan iibsan weyno Sokor, Bariis & cunnooyinka kala duwan, Kiiladii sokor ah waxaa nagala siinayaa 160 Shillinka Kenya, Kiiladii Bariis ah waa 140 Shillin oo lacagta Kenya ah, waxa aan codsaneynaa in nala garab istaago” ayuu yiri Xuseen Cali Cabdulle oo kamid ah Qaxootigii dhowaan galay Xeryaha Dhadhaab.

Xaliimo Xuseen Geedi waxa ay kamid tahay Haweenka shaqada garab-raratada maalin weliba raadiya si ay u helaan quudkii maalintaas ay cuni lahaayeen qoyskooda, waxa ay sheegtay in ay qabtaan shaqo adag oo mararka qaar aanay u suuragelin in gacanmahoodu wax soo galaan.

“Suuqa ayaa iska galnaa 100 shilin ama 200 oo shiilinka kenya ayaan soo helnaa, mararka qaar waaba soo weynaa, xaafadaha sida aan u wareegeyno waxaa nala soo siiyaa cunno kooban oo qoyska xiligaas quudanayo, sicir barar ayaa aad noo saameeyay, ” Xaliimo Xuseen Geedi.

Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga & Cunnada uma diiwaangashno qaxootiga cusub ee gaaray Xeryaha Dhadhaab si ay u helaan xuquuq lamid ah Qaxootigii uga horreeyay xeryahaas una helaan cunno, Agab ay ku dhistaan Hoy & waxyaabaha kale ee ay bixiyaan Hay’adahaas.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Manavgat Escort

Read Next

Wajiga labaad ee Howlgalka ka dhanka ah ‘AS’ oo ka billaabanaya Gobolka Hiiraan.