Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax Khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay Magaaladaasi.
Askari katirsan Ciidanka Jabuuti ee qayb ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa geeriyooday halka askari kalena uu ku dhaawacmay kadib Miino lagu aasay Hareeraha Wadado ay marayeen oo ku taalla Galbeedka Jalalaqsi.
Xuseen Shiikh Qaasim oo ah Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Jalalaqsi oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen Labo Miino, mid kamid ahna Khasaaraha ay geysatay.
Wadada qaraxa uu ka dhacay Xuseen waxa uu sheegay in ay Marar badan Miino geliyeen Al-Shabaab, kuna qaraxday Ciidamada AMISOM, halka howlo Miino baaris ah oo Ciidamada Dhowr jeer sameeyeen ay kusoo saareen Miinooyin Hareeraha Wadada lagu aasay.
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Dadka Magaalada ay dhibaatooyin ku qabaan Ciidamo ay tababareen Saraakiisha Jabuuti.
Waxa uu tilmaamay in aysan helin Mushaar, taasine ay sababtay in ay Jidgooyooyin u dhigtaan Gaadiidka si ay lacago ugu qaataan.
Isku day ay sameeyeen waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Amniga Siyaasadda Jalalaqsi in ay ku qaadeen Isbaarooyinkii Magaalada lasoo dhigtay, balse waxa uu tilmaamay in ay gaadiidka lacago kaga qaadanayaan Bartamaha Magaalada Ciidamadaas Hubeysan.
Dowladda Federaalka, Maamulka Hir-Shabeelle iyo kan Gobolka Hiiraan waxa uu ka dalbaday in ay wax ka qabtaan Xaaladda Mushaar la’aan ee Ciidankaan heysata, hadii kalena ay suurto gal tahay in ay kordhiyaan Dhaca ay geysanayaan sida uu hadalka u dhigay.
