Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Wararka Ka imaanaya Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay Dibadbax rabshado watay oo looga soo horjeeday Maamulka Jubbaland.
Dibadbaxa ayaa ka bilawday halka loo yaqaanTaalada kadib waxa uu kusii fiday Xaafadaha Magaalada, dadka ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ka dhan ah Maamulka Jubbaland.
Labo Wasiir oo katirsan Maamulka Jubbaland ayay dibadbaxayaasha ugu tageen Hoygooda, iyadoona dhibaatooyin u geysteen sida Dhagaxaan iyo Ulo ay ku dhufteen sida Mustaqbal Radio ay sheegeen dadka Garbahaarey.
Wasiir ku xigeenka Qorsheynta Jubbaland iyo Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland waxa ay wararku sheegayaan in Dibadbaxayaasha ay u geysteen dhaawacyo, Ciidamadii Ilaalada u aheyd Wasiiradaasi ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha oo ugu dambeyn goobta ka cararay.
Qof kamid ah Dadka Degamada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in Carada shacabka ay sababtay go’aanadii Jubbaland ay isku hor istaageen Saraakiil Dowladda Federaalka magacawday, kadib markii Madaxda Jubbaland ay sheegeen in aan lagala tashan Magacaabistooda.
