Qaramada Midoobe oo sheegtay in Xaalad Nololeed ay ka jirto Yemen.

Qaramada Midoobe ayaa war ay soo saartay ku sheegay in ku dhow 13 Milyan oo Carruur u badan ay ku dhibaateysan yihiin Dalka Yemen.

Waxa ay soo jeedisay in Dowladda Yemen oo garab ka helaya Isbaheysiga Sacuudiga iyo Kooxda Xuutiyiinta lagu cadaadiyo sidii ay u joojin lahaayeen Dagaalka ka dhex jira si gar-gaar loo gaarsiiyo Dadkaas.

Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan Yemen ayaa soo ka dalbaday Sanduuqa dhaqaalaha Qaramada Midoobe in uu Gurmad deg deg ah ugu deeqo Dhiabanayaasha Yemen.

Sidoo kale Xubnaha Qaramada Midoobe ee Yemen ayaa soo jeediyay in Isbaheysiga Sacuudiga laga dalbado in uu joojiyo Duqeynta ay geysanayaan oo Khasaaraha ka dhashay ay qayb ka noqoto dhibaatada.

Deegaano horleh ayaa Warka lagu sheegay in ay ka Barakaceen Dadkii Deegaanka ahaa oo ku noolaa, kadib Cabsi ay ka muujiyeen Dagaalada iyo Duqeymaha aan dhammaadka laheyn.

Muuqaalo laga soo duubay waxaa ka muuqanayay Dadka Yemeniyiinta oo Cunaya Caleenka Geedaha, taasi ayaa kasii dartay Xaaladda Gaajo ee ka jirta Dalkaas.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Al-Shabaab oo sheegtay in ay dileen Ciidamo katirsan AMISOM.

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.