Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan
Hay’adda Puntland Security Force (PSF), ayaa iska diiday agaasime cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntand Siciid Cabdullaahi Deni.
Qoraal lagu baahiyay page-ka Facebook ee Hay’adda ayaa lagu sheegay in qoraalka ka soo baxay madaxweynaha Puntland uu baal marsanyahay sharciyada iyo xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban.
“Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay barta Facebooka ee Hay’adda.
“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu soo gabagabeeyay “Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina”.
Madaxweynaha Punland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto waxa uu xilka uga qaaday Agaasimihii hore ee hay’adda PSF Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) wuxuuna Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.
PSF waa Unug si gaar ah u tababaran una qalabaysan oo loogu talo-galay la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada waxa gacanta ku haaya Dowladda Maraykanka oo bixisa qalabkooda iyo mushaarkooda.
