Puntland iyo Somaliland oo dadaal ku bixinaya cida Maamulaysa degmada Badhan.

Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Somaliland iyo ciidamadooda oo ka baxay taliska Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ku biiray ciidamada Puntland ee ku sugan degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag oo ay isku heystaan Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wararka aan ka helayno Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Saraakiisha iyo ciidankoodo isku dhiibeen Puntland kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag si ay halkaasi uga saaraan wefdi ka socda Puntland oo uu hugaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo)

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa xalay hoygiisa  ku booqday suldaanka guud ee gobolka Sanaag suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Cali Shire.

Magaalada Badhan ee gobolkaasi waxaa haatan socdaal ku jooga guddoomiyaha Baarlamanka Puntland wasiirka Amniga iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland oo doonay in ay iyagu maamulaan.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa maalmii ugu danbeeyay ku sugnaa deegaanka Damala Xagarle oo isna halkaasi wada olole uu doonaya in Maamulka Somaliland ay gaaraan Degmada Badhan.

Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Sanaag ayaa ah kuwo u qaybsan Maamulada Somaliland iyo Puntland oo isku haysta cida Maamulaysa.

MM Staff

Read Previous

Ethiopian pilot pleaded for training weeks before Max crash

Read Next

Boqortooyada Qatar yaa uga qayb galaya shirka ka furmaya Sucuudiga?.