Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Ururka ONLF ee ka dagaalama Ismaamulka Somalida Itoobiya, ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee ka dhacay Dowlad deegaanka, Waxeyna sheegeen in Madaxweynaha cusub Axmed Cabdi Maxamed uu yahay shaqsi aan door muuqata ku leheyn dhibaatooyinkii Shacabka loo geystay.
Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge, ayaa Idaacadda Mustaqbal usheegay in loo baahnaa isbadalka dhacay, wuxuuna ka rajeeyay Madaxweynaha cusub inuu isu keeno Shacabka Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.
Hirmooge, Waxa uu dhinaca kale ka hadlay xalaada Madaxweynihii cadaadiska lagu qasbay inuu isu casilo ee Cabdi Maxamuud Cumar, Adis-Ababa ayuu tilmaamay in loo gudbiyay.
Ugu Danbeyn, Afhayeenka ONLF ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay iney mira dhal noqdaan wadahadala Nabada ee DDSI, Maadaama nin dhalinyaro ah talada la wareegay.
WAREYSIGA AFHAYEENKA ONLF:
