NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno katirsan ‘AS’

Deegaanka Geelgub Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo saraakiisha ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ay sheegeen in lagu dilay mas’uuliyiin katirsan AS.

Qoraal lasoo dhigay barta NISA ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 21 ruux oo isugu jira hoggaamiyaal iyo dagaalamayaal lagu dilay howlgalkaan sida lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka.

Halkaan ka aqriso qoraalka:

May be a doodle of skateboard and text

Howlgallada isugu jira duqeymaha iyo kuwa lugta ah ee ciidamada federaalka, daraawiishta dowlad-goboleedyada iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ah ayaa sii xooggeystay, waxaana socda dhaqdhaqaaq ka dhan ah ‘AS’

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Sacuudiga oo baaraya gacan qaad ka dhacay Masjidka Nabiga NNKH

Read Next

James Swan oo si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo Ergayga QM ee Soomaaliya