NISA oo hakisay qandaraasyo malaayiin doolar ku baxay uu saxiixay Wasiirki hore ee amniga C/risaaq Cumar.

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa shaacisay iney hakisay qandaraas malaayiin doolar ku baxay sanadihii la soo dhaafay, Kaasoo saxiixay Wasiirkii hore ee amniga Somaliya C/risaaq Cumaer Maxamed.

NISA,  qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka, waxey sidoo kale ku sheegtay in Hanti-dhowrka guud ee qaranka ay u gudbisay baaritaanada kiiskan.

“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA.

Dhinaca kale, waxaa arintan ka Jawaabay Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed, Qoraal uu isaguna soo dhigay twitterka ayuu ku cadeeyay in munaasab aanu eheyn in dib loo soo faago arintan, Maadaama uu laba sano ka hor xilka iska wareejiyay.

“NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska”ayuu yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xildhibaan C/risaaq Cumar oo katirsan Guddiga amniga ee Golaha Shacabka, ayaa kamid ah xildhibaanada aadka u dhaliila dowladda Somaliya.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidan ka careysan Mushaar la’aan oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Garowe

Read Next

Wasiir Caadle: ” isbeddellada Hiiraan waxaa u sabab ah Xildhibaannada”