Napoli oo guul soo daahday ka gaartay Liverpool.

Kooxda Napoli ayaa guul soo daahday ka gaartay kooxda Liverpool oo marti ku aheyd guriga Napoli.

Kulanka ayaa ahaa mid u badan dhanka kooxda Napoli kuwaas oo ahaa kuwo ka qaab ciyaareed fiican kooxda Liverpool xilli ay wiilasha Jurgen Klopp gabi ahaanba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u liitay.

Kooxda Napoli ayaa samaysay fursado waali ah oo goolal laga dhalin karo xilli ayna Liverpool samayn wax fursado ah oo goolal laga dhalin karay kulanka.

Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku bar-bar dheceen garoonkana kala bexeen bar-baro goolal la,aan ah.

Qaybtii dambe ayay si la mid ah Napoli ku bilaabatay kulanka si diiran iyaga oo qaadayay weeraro waali ah laakiin ay u suurtagali wayday in ay wax gool ah u badalaan fursadahaas.

Liverpool ayaa dhankeeda heshay fursado yar-yar laakiin sidoo kale waxa ay ku fashilmeen in ay gool u badalaan iyaaga oo soo taaban waayay shabaqa kooxda Napoli.

Kooxda Napoli ayaa daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lorenzo Insigne kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Napoli ciyaarta ayaana sidaa kuso dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Napoli.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Barcelona oo Wembley ku garaacday Tottenham iyo Messi oo la wareegay gool dhalinta Champions League-ga.

Read Next

Sergio Aguero Oo Rikoor Cajiib Ah ka sameeyay Champions League, Sidee?