MW Farmaajo Oo La Kulmay Suldaanka Cusub Ee Dalka Cumaan

Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Cumaan ayaa kulan la qaatay suldaanka cusub ee loo magacaabay dalkaas Sultan Haitham bin Taymur.

Madaxweyna Farmaajo ayaa u dalkaas si uu uga qeybgalo tacsiga geerida kadiska aheyd ee suldaankii ugu mudada dheeraa ee waddankaas ka talin jiray.

Farmaajo ayaa suldaan Haitham bin Taymur iyo qoyska boqortooyadaba uga tacsiyeyay geeridii ku timid isbuucii lasoo dhaafay suldaankii wadanka Cumaan Suldaan Qabuus bin Sacid.

 

Webmaster

Read Previous

Africans are now getting easier to travel within the continent without visa

Read Next

Kenya:- Dhaqaatiirtii Cuba u dhalatay waa ay nabadqanaan waana soo furanaynaa