Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay Ebola in dalkeeda laga helay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Dowladdiisu ay billowday dhismaha Xarunta laga hirgelinayo dayax-gacmeedka sare ee laga hirgelinayo Soomaaliya isaga oo bogaadiyay tallaabadaas.
Erdogan ayaa tilmaamay in keliya aanay Turkiga faa’iido u ahayn balse Qaaradda Afrika ay nacfi ka heli doonto dayax-gacmeedka la qorsheynayo in laga tuuro Soomaaliya ee hadda la billaabay xaruntii laga diri lahaa sida uu yiri.
“Annagoo tixgelinayna xaaladaha juqraafiyeed ee Türkiye, waxaan dalka aan walaalaha iyo saaxiibka nahay ee Soomaaliya la yeelanaynaa iskaashi taariikhi ah oo ku aaddan dhanka xarumaha hawada sare looga diro dayax-gacmeedyada” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan
Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri “Waxaan billownay dhismaha xarunta laga diri doono dayax-gacmeedka hawada sare ee aan ka hirgelin doonno Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan ka mirodhalinno dadaallada lagu hirgalinayo mashruucan istaraatiijiga ah”.
Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambayn hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Mashruucan uma hirgalinayo kaliya inuu Türkiye u suurtagaliyo dirista dayax-gacmeedka, balse wuxuu sidoo kale qayb ka qaadan doonaa ballaarinta awoodda kaabayasha hawada ee qaaradda Afrika”.
Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgelinaya talis muhiim u ah dayax-gacmeedka uu ka dirayo Soomaaliya, waxaana Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ka billowday dhismaha xaruntaan sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Mustaqbal
