Muxuu Salka ku hayaa Khilaafka ka taagan Beledwayne ee sababay dhaqdhaqaaqyada Ciidan?

Magaalada Beledwayne ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka taagna dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, isla markaasna kala taabacsan Maamulka Hirshabeelle iyo Xubno kale oo diidan dowlad goboleedkaasi.

Khilaafka oo salka ku haya Doorashadii Hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle, iyadoo qaar kamid ah Siyaasiyiinta deegaanka ay diideen.

Ku xigeenka Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax oo shalay gaarey magaalada Beledwayne ayaa dhankiisa tilmaamay inuu doonayo xallinta tabashada qaar kamid ah Dadweynaha Hiiraan.

Wuxuu xusay inuusan u socon dagaal, balse uu rabo wadatashi iyo in laga hortago colaad saameysa gobolkan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dalka.

Sidoo kale, dhinaca mas’uuliyiinta diidan maamulka Hirshabeelle oo uu kamid yahay Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa kulamo ka wada magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya Beledwayne ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay deggan tahay, wallow goobaha qaar la arkayo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Sheekh oo ka qaybgalay dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare

Read Next

Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay saldhigga Baledoogle kaddib 14 sano