Masar oo mar kale xaqiijisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo caddeysay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qarannimada dalka.

Arrintan ayaa lagu xaqiijiyey kulan gaar ah oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ku yeesheen dalka Liibiya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Masar ayaa sidoo kale adkeysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo diidmada faragelin kasta oo ka dhan ah midnimada iyo dhulkeeda.

Kulankan ayaa imanaya xilli dhawaan Israa’iil ay safiir u soo dirtay deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed, tillaabadaasi oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah Madaxbannaanida dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay saldhigga Baledoogle kaddib 14 sano