“Xilligan qiimaha warbixinnadu kuma koobnaan doono degdegga wararka. AI waxa uu beddelayaa habka macluumaadka loo abuuro, loo farsameeyo, loona faafiyo warbixinnada iyo wararka caalamka.”
Horudhac
Mowduucan waxa aynu uga hadlaynaa isbeddelka dunida ee dhanka Tiknoolojiyadda iyo garaadka gacmeedka AI, iyo khataraha ka imaanaysa isticmaalka sida khaldan, faa’iidooyinka ku dhex jira horumarkan weyn ee xawaaraha ku socda ee la gaaray, shuruucda Warbaahinta caalamiga iyo xeerarka uga degsan ee lagu xakameeyo xogaha la xiriira AI.
Garaadka Gacmeedka (AI) fursadaha iyo caqabadaha Warbaahinta Soomaalida
Garaadka gacmeedku (AI) waxa uu si tartiib ah u beddelayaa habka wararka loo raadiyo, loo diyaariyo, loona tafatiro, iyo hababka loo faafiyo. Waxa uu awood u leeyahay in uu soo saaro qoraallo, codad iyo muuqaallo, hal qoraal ayuu u beddelayaa luuqado kale isla markaana waxa uu awood u leeyahay in uu xogta soo koobo, waxa kale oo uu abuuri karaa sawirro si wayn uga qeyb qaadanaya shaqada warbaahinta dunida.
Isbeddelkan waxa uu saamayn ku yeeshay Soomaaliya gaar ahaan dhinaca warbaahinta, iyada oo wariyayaasha iyo hey’adaha warbaahintu ay bilaabayaan in ay la-jaanqaadaan tiknoolojiyadda casriga ah ee sii horumaraysa. Soomaaliya, doodda ku saabsan garaad gacmeedka (AI) iyo mustaqbalka warbaahinta ayaa isa-soo taraya iyada oo tababarrada iyo doodaha la xiriira horumarinta saxaafadda si wayn loo hadal hayo sannadahan dambe.
Hadaba, garaadka gacmeedka waxa uu wariyayaasha u noqon karaa fursad fududeysa howlo badan oo waqti dheer ka qaadan jiray, sida qoraallada, wareysiyada iyo tarjumidda. Sidoo kale waxa uu qeyb muhiim ah ka qaadan karaa soo-koobidda dokumintiyada iyo diyaarinta xogta.
Arrimahan waxaa barbar socda ilaalinta ilaha xigashada, xogta gaarka ah iyo xuquuqda ama xaqa-lahaanshaha iyo masuuliyadaha kale ee la xiriira tafatirka wararka iyo warbixinnada. haddii xogo ku salaysan garaad gacmeedka, ah loo gudbiyo bulshada iyada oo aan la xaqiijin waxa imaan kara khaladaad taasi oo si fudud isugu beddeli kara khaladaad saxaafadeed oo waawayn.
Fursad cusub ee horyaala saxaafadda Soomaaliya
Warbaahinta Soomaaliyeed iyo dunida oo dhanba waxaa kusoo kordhay fursad muhiim ah oo shaqada qeyb ka qaadanaysa. shaqooyinka warbaahinta waa kuwo waqti iyo xirfado badan u baahan tusaale, marka la qaadayo waraysi waxa ay u baahan-tahay in la duubo, dokumentiyo la-diyaariyo xogta waraysigana lakala saaro, kaddibna qoraalka ayaa dib loo tafatiraa, iyada oo marar badan loo baahdo in loo tarjumo luuqado kala duwan.
Garaadka gacmeedku waxa uu shaqada dheer ka qaadan karaa qeyb muhiim ah waxaa uu xirfadlaha ka caawinaya in uu u isticmaalo soo koobidda muuqaalka, Edit garaynta iyo taraftirka warbixinnada dhaadheer.
Tusaale AI oo si wanaagsan loo isticmaalo waxa uu waraysiyada kusoo uruurin karaa qodobbo muhiim ah oo kaliya isaga oo kaa saaraya wax walba oo aan mudnan lahayn, isla markaana luuqado kala duwan ayuu awood u leeyahay in uu kuugu tarjumo, uu soo koobo qodobada muhiimka ah ama waxa uu kaa caawinaya in aad diyaariso fikrado iyo qaab-dhismeedka warbixinnada iyo waraysiyada isaga oo qaabka farsamada iyo dib-u-diyaarinta ka qeyb qaadan kara, balse waa in qofka isticmaalaya uu yahay mid xirfadiisu sarreyso, haysta tababbar ku filan, ilaaliya anshaxa iyo xogta kale ee aan loo baahnayn in la-geeyo AI.
UNESCO waxa lagu daabacay boggeeda internet-ka in marka AI loo isticmaalo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka lagu ilaaliyo anshaxa warbaahinta, uu ka caawin karo cilmi-baarista, xaqiijinta xogta, wax-soo-saarka erayada iyo hubinta been abuurka ama wararka aan jirin, gaar ahaan marka ay jiraan xogo badan ama xaalado degdeg ah, balse waxaa mar walba la-doorbiday in masuuliyad iyo awood lagu xakameeyo ay la-socoto.
Doorka Dowladda ee Maareynta Garaad Gacmeedka (AI)
Dowladda Soomaaliya waxa ay masuul ka tahay hirgalinta iyo dajinta siyaasadaha lagu hagayo xogta loo gudbinayo bulshada iyo xeerarka kale ee warbaahinta taasi oo marka ay Xukuumaddu ansixiso la-dhaqangaliyo si bulshada Soomaaliyeed looga xakameeyo xogaha khaldan, wararka aan sugnayn iyo ilaalinta xogaha kale ee la xiriira tiknoolojiyadda.
Dowladda Soomaaliya waxa ay qabatay Shirkii labaad kaasi oo Muqdisho lagu qabtay 7–8 Sebtembar 2026, wuxuunna ku saabsanaa Somali Strategic Communication Forum, iyada oo diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin, Misinformationka, disinformation, la-jaanqaadka tiknoolojiyadda, isticmaalka AI si gaar ah muhiimadda ay leedahay anshaxa iyo xirfadaha saxaafadda.
Arrintan waxa ka imaanaya su’aasha ugu muhiimsan ee warbixinteenna taasi oo ah AI ma noqonayaa fursad cusub oo xoojinaya shaqada Wariyayaasha Soomaaliyeed, mise wuxuu abuuri karaa caqabado cusub oo saameeya sugnaanta iyo kalsoonida bulshada ee warbaahinta.?
Jawaabta waxa ay ku xirantahay sida wariyayaasha, tafatirayaasha hay’adaha warbaahinta iyo xarumaha waxbarashadu u fahmaan ulana jaan-qaadaan tiknoolojiyadda, iyada oo mar walba awoodda la-saarayo xaqiijinta xogta, dhex-dhexaadnimada iyo anshaxa.
Wariyaha Soomaaliyeed maxaa looga baahanyahay marka la joogo garaad gacmeedka?
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee saxaafadda Soomaaliya haysta waa sugnaanta xogta ay qorayaan ama bulshada la-wadaagayaan. AI, waxa uu mararka qaar soo saaraa xogo badan oo aan jirin, ilo aan sax ahayn ama xogo faahfaahsan balse aan sugnayn, haddii Wariyaha Soomaaliyeed uu qoraalkiisa ama xogta si toos ah ugu gudbiyo akhristayaasha isaga oo aan xaqiijin, khaladaad farsamo oo yar ayaa isku beddeli kara khalad saxaafadeed. Sidaas darteed qodobka asaasiga ah waa in ay wariyuhu xogta xaqiijiyo.
Hay’adaha waaweyn ee warbaahinta ayaa dajiyay xeerar ku saabsan isticmaalka AI. Reuters, tusaale ahaan waxa ay isticmaalaan generative AI qeybo ka mid ah habka shaqada, balse marka AI uu xogta la wadaago ama diyaariyo si toos ah looma isticmaalo ilaa uu maro xaqiijin iyo tafatir badan.
Associated Press (AP)- waxa ay leedahay xeerar adkaynaya in waxyaabaha AI ay soo saartay iyo sawirada aan si caadi ah loo isticmaali karin warbixin ahaan, iyada oo wariyayaasha la baray fahamka tiknoolojiyadda iyo in ay si taxaddar leh u isticmaalaan waxyaaba AI lagu curiyo.
Soomaaliya iyo khataraha macluumaad khaldan
Soomaaliya waxa ka jira warbaahin si weyn ugu tiirsan baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, X, Tiktok. iyo aaladaha kale ee digitalka, taasi waxa ay sahashay in xoguhu si degdeg oo xawaare sare leh u faafaan.
Cilmi-baaris la daabacay sannadkan 2026 ayaa si gaar ah uga digtay khatarta AI-driven health Misinformation, gudaha Soomaaliya iyada oo lagu sheegay caqabado ay ka mid yihiin aqoonta dhijitaalka ah oo xaddidan, sharciyo daciif ah iyo ku tiirsanaanta baraha bulshada ee sii kordhaysa marka la raadinayo xogaha caafimaadka.
Sidoo kale cilmi-baarayaal iyo howl-wadeenno ka tirsan garaadka gacmeedka, ayaa sheegay in lagu soo kordhin doono xalal lagu aqoonsan karo wararka been abuurka ah ee ku qoran Af-Soomaaliga. Baaritaanno lagu sameeyay xogta baraha bulshada ee ku qoran Af-Soomaaliga ayaa muujisay in moodallo loogu tala-galay luuqadda Soomaaliga ay awood u leeyihiin in ay ka qeyb qaatan ogaanshaha iyo xaqiijinta wararka been abuurka ee halista ah.
Taasi waxa ay caddeynasa in haddii garaadka gacmeedka aan loo isticmaalin si wanaagsan ka dhalaneyso khatar weyn oo ka qeyb qaadan karta faafitaanka ka macluumaad khaldan, garaadka gacmeedka waxa uu qeyb ka noqon karaa xalka iyo xaqiijinta sugnaanta xogta, balse waxa loo baahanyahay aqoon iyo faham dhanka tiknoolojiyadda ah iyo tababarro badan oo la siiyo Saaxafadda Soomaalida.
Wariyaha Soomaaliyeed waxaa masuuliyad ka saarantahay marka uu helo war ama xog in uu si masuuliyad leh isaga hubiyo kahor inta uusan faafin asalka xogta iyo sugnaanteeda. Haddii madaxda ama dadka caanka ah muuqaalladooda lagu sameeyo AI- isla markaana loo ekaysiiyo xaqiiqo jirta waxa ay saamayn ku yeelanaysaa bulshada maadama aysan intooda badan kala saari karan runta iyo beenta.
Garaadka gacmeedku ma daabooli karaa shaqada wariyayaasha
Jawaabtu waa maya, balse AI waxa uu fududeyn karaa howl badan oo waqti dheer qaadan jiray, Wariyaha waxa looga baahanyahay in uu helo fahamka xaaladda, qiimeeyo muhiimadda dhacdada xaqiijiyo xogta ilaaliyo isha uu kasoo xiganayo isla markaana fahmo bulshada uu la hadlayo kadib uu qaato go’aanka waxa mudan in la baahiyo oo bulshada loo sheego.
UNESCO waxa ay xoojinaysaa in fahamka AI uu muhiim u yahay wariyayaasha iyada oo la xusay xuquuqda aadanaha, fahamka hufnaanta, maamulka iyo saameynta bulshada ee xeerarka garaadka macmalka ah.
Sidaas darteed doodda ugu weyn waxa ay leedahay garaadka gacmeedku ma beddelayo xaqiiqada, balse waxaa loo baahanyahay wariyayaal tababbar sare haysta oo xaqiijin kara xogaha la baahiyo iyo Social media-ha si loola jaan-qaado tiknoolojiyadda casriga ah iyo halka dunidu u guurtay Qarnigan.
Mustaqbalka Wariyaha ma u baahanyahay xirfado dheeraad ah?
Mustaqabalka Wariyaha Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay in uu fahmo AI, waxa uu baahi u qabaa xirfado cusub oo dheeraad ah, iyo isticmaalka tiknoolojiyadda, qalabyada casriga ah ee mudnaanta weyn u leh horumarka shakhsiga ah si loo xaqiijiyo natiijooyinka loona aqoonsado khaladaadka iyo gaabisyada kale ee ka jira dhanka warbaahinta.
Sidoo kale waxaa muhiim u ah wariyayaasha Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan tiirarka howlaha warbaahinta laf-dhabarta u ah sida: source-ka protection, xaqiijinta xogta, caddaalad, go’aan-qaadasho tifaftireed iyo fahamka bulshada. UNESCO iyo hay’adaha warbaahinta dunida ugu waaweyn ayaa iska kaashanaya in xoogga la saaro barashada AI iyo isticmaalka dhanka wanaagsan, iyada oo la ilaalinayo daah-furnaan, isla-xisaabtan iyo ilaalinta masuuliyadda tafatiraha.
Gunaanad
Garaadka gacmeedku (AI) waxa uu beddelayaa habka macluumaadka loo abuuro, loo farsameeyo, qaabka loo faafiyo warbixinnada iyo wararka caalamka. Soomaaliya waxa u baahantahay in si wadajir ah loo wajaho dowladda, Jaamacadaha, Suxufiyiinta iyo dhammaan qeybaha bulshada ee doorka ku leh horumarinta tiknoolojiyadda. Waxa muhiim ah in la helo faham mideysan oo ku saabsan fursadaha AI iyo caqabadaha ka dhalan kara adeegsigiisa, gaar ahaan sugnaanta xogtaha, anshaxa iyo masuliyadda bulshada.
Xilligan qiimaha warbixinnadu kuma koobnaan doono degdegga wararka balse waxa uu ku xirnaan doonaa awoodda lagu saleeyo xogta sugan, laguna xaqiijiyo ilaa lagu kalsoonaan karo, loona gudbin karo bulshada iyada oo dhexdhexaad ah. Sidaas darteed xaqiijinta xogta ilaalinta anshaxa warbahinta iyo ka-hor tagga wararka aan sugnayn ee marin-habaabinta ah waxa ay waajib ku noqonayaan wariyayaasha iyo hey’adaha warbaahinta.
Mustaqbalka Saxaafadda Soomaaliya waa in la helo wariye aqoon u leh adeegsiga AI, xaddidaadiisa iyo goorta aan lagu kalsoonaan karin. Isku-darka xirfada suxufiga, fikirkiisa iyo isticmaalka tiknoolojiyadda ayaa fursad u abuuri kara saxaafad tayo leh, xogteeda la-isku hallayn karo, isla markaana bulshada Soomaaliyeed soo gaarsiisa adeeg waxtar u leh dadka iyo dalkeenna.
_______________________________________________________________________
WQ: Cabdiqani Cabdullaahi Sheekh; Xirfadle Saxaafadeed oo leh khibrad kor u dhaafaysa 10 sanno
Email: Abdiqani1446@gmail.com
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media
