Maraykanka oo baaraya muuqaallada laga helay dhismo ku dumay New York oo sababay geerida 8 qof

Muuqaal cusub oo laga helay dhismo dhawaan ku dumay Dadkii degenaa oo ku yaalla Xaafadda Brooklyn ee Magaalada New York ee Dalka Maraykanka ayaa muujinaya sida uu dhismahaas u dumay iyada oo ay ku dhinteen 8 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 18 kale.

Maamulka Magaalada New York ayaa sheegay in arrintaan ay reebtay saamayn dhinaca maskaxda ah maadaama dadka badbaaday oo carruur u badan ay la argagaxeen sida ay u arkeen dhismaha oo sii dumaya sida hadalka loo dhigay.

Mas’uuliyiin katitsan Waaxda dib u dejinta Dadka ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdooyinka burburka guryaha gaar ahaan dhismaha loo arko inay adag yihiin oo kolka ay dumaan gaysta Dhimasho, dhaawac iyo Khasaara maaliyadeed sida ay ku doodeen.

Dhacdadii 11ka bishaan la dhacday Xaafadda Brooklyn ee Magaalada New York ayaa noqotay mid hadal hayn xooggan dhalisay iyada oo dad badan ay cabsi ka muujiyeen dhismaha ku waqtiga ahaa kan dumay maadaama aan si rasmi ah loo shaacin sababta burburka dhalisay.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Soomaaliya iyo 18 dal oo cambaareeyay Duqeyn Israa’iil ka fulisay Isbitaal ku yaalla Khan Yonis

Read Next

Soomaali lagu dilay Xadka u dhaxeeya Itoobiya & Kenya