Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo soo gabagabeeyay hannaanka uu marinayo Xisbiyada u tartamaya Kuraasta Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in saddex tallaab oo muhiim u ah uu qaadayo.
Guddigu waxa uu tilmaamay in uu samaynayo ugu horrayn Hubinta iyo kala saarista Murashaxiinta, waxaa xiga uu samayn doonnaa Shaacinta Liiska Kama-danbeysta ah iyo Shahaado siinta Murashaxiinta, waxaana ugu danbeeya Soo Magacaabista iyo Tababaridda Wakiillada Ururada ee Goobaha Codbisinta.
Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir waxaa ku tartami doonno 20 urur siyaasadeed oo soo buuxiyay Shuruudaha Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha Qaranka sida uu sheegay.
Guddiga ayaa ballanqaaday in Doorashada laga sugayo dhowaan ay noqon doonto mid u dhacda si xor ah, xalaal ah isla markaana uu dhexdhexaad u yahay musharrixiinta u tartamaysa kuraasta Golaha Deegaanka ee Muqdisho.
Mustaqbal
