Koox hubaysan oo Yaaqbari wayne ku dishay Wiil waday Mooto Fekon

Koox hubaysan ayaa Magaalada Yaaqbari wayne ku dishay Ilyaas Cismaan Xasan oo kamid ah Dhallinyarada ku shaqaysata Mootada nooca loo yaqaan Fekon, waxaana baxsaday kooxdii dilkaas gaysatay sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Ehelka marxuumka la dilay ayaa sheegay in dilkaan uu daba socdo dilal aanooyin ah oo horay uga dhacay Magaalada Yaaqbari wayne, waxa ay dalbadeen in lasoo qabto kooxdii dishay Ilyaas isla markaana lasoo taago Maxkamad.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in wixii dambeeyay Xabbad-joojintii la kala dhex dhigay Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Yaaqbari wayne ay xasiloon tahay Magaaladaas, waxaa is tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabtay is dhexgalka Bulshada.

Yaaqbari wayne waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka hubaysan ee jidgooyooyinka dhigta iyo kuwa hubaysan ee dilalka aanooyinka gaysta, qaar kamid ah maleeshiyaad lasoo qabtay ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Yaaqbari wayne, Saraakiisha amniga Magaaladaas, Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo looga hadlay dilka maanta ka dhacay Magaaladaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Qoysas horleh oo Abaar darteed uga barakacay Gobolka Bakool

Read Next

Maxay yihiin saddexda qodob uu ku dhowaan ku dhaqaaqayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka?