Maxay yihiin caqabadaha uu RW Xamsa sheegay in ay ku hor gudban yihiin Xukuumaddiisa?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo kulan wadareed la qaatay Xukuumaddiisa ayaa sheegay in sanadkii 4aad ay galeen iyada oo ay jiraan caqabado ay wajahayaan sida Amniga Dhaqaalaha, Adeegga Bulshada & Siyaasadda.

Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay Xukuumaddiisa, waxa uu tilmaamay in isbaddel weyn uu ku yimid dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha dibadda, amniga, adeegga bulshada & dhinacyo kale sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan hubaa in caqabado badan na horyaallaan, waxaa loo baahan yahay in dadka aragtida leh inta ay istaagaan oo dhahaan shalay intee joognay, maanta intee joognaa, berri xagee wajahaynaa, Soomaaliya waa kan la yiraah aragti fog oo dhigan oo la fiirsado oo jiilba jiil ka dhaxlo hadda kahor ma yeelan” RW Xamsa Cabdi Barre.

Waxa uu  xusay in uu jiro isla xisaabtan dhanka waxqabadka Xukuumadda Dan-qaran, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xoojiyay in tani ay kordhineyso shaqada loo hayo bulshada iyo dalka uu sii gaaro horumar kasii sarreeya kan hadda la heysto sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan rabnaa in aan iskula xisaabtanno wixii ka hirgalay qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagnay, caqabadaha yimid iyo waxa inala gudboon, saddex sano ayaan soo dhammaynay waxaan galnay sanadkii afaraad, waxaan hubaa waddanka in aad shaqo wayn ka qabateen dhinac kasta marka laga fiiriyo.” ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso ka shaqayna fulinta barnaamijyada hortabinta leh eek u qotoma horumarinta arrimaha bulshada, dib u qabsashada deegaannada ka maqan gacanta Dowladda, sugidda amniga, Caddaaladda, Garsoor madaxbannaan, isku filnaashiyo dhaqaale & dib u heshiisiinta.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka aaminsan yahay wadahadallada Mucaaradka?

Read Next

Soomaaliya oo 38 sano kaddib Safiir u dirsatay Japan