Maxay tahay khatarta ka dhalan karta in Ciidamo aan laga war hayn yimaadaan Muqdisho?

Hawada Muqdisho waxaa laga celiyay Ciidamo ku hubeysan hub culus oo saacadihii la soo dhaafay ka soo kala kicitimay Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, kuwaasi oo kamid ahaa Wafdiyadii horudhaca u ahaa Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaartay go’aanno adag oo lagu ilaalinayo Amniga Muqdisho, isla markaasna looga hortagayo khatar ka dhalan karta ciidam aan la diiwaan galin oo ka soo daga Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa tilmaamay arrintani suurad xumeyn karta Amniga caasimadda oo wayihii dambe ka nasatay falalka amniga lidka ku ah.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in ay ku xadgudbeen hannaan loo dajiyay madaxda ka soo qeyb galeysa shirka wadashiga ee toddobaadkan ka furmaya Muqdisho.

Sida ay xogaha tilmaamayaan kaliya 40 askari oo hubeysan ayaa loo qorsheeyay Madaxda labada maamul iyo 10 kale oo dharcad ah, si ay u sugaan amniga, balse tiro intaasi ka badan ayaa ka soo kala baxay Kismaayo iyo Garoowe.

Tillaabada dowladda ayaa waxaa cambaareeyay Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ku tilmaamay mid dhaawaceysa shirka la qorsheeyay in ay ku wada hadlaan dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

“Shidaal ku filan iyadoo uusan ku jirin ayay diyaaradda siday Ciidanka ku laabatay Kismaayo, mas’uuliyadaas waxaa qaadanaya Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in ay aheyd mid u eg shirqool.

Shirka Wadashiga ayaa qorshaha ahaa inuu Muqdisho ka qabsoomo maanta, balse dib ayuu sii dhacay.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Read Previous

Guddoonka Baarlamaanka oo ganaaxay Xildhibaanno rabsho ka sameeyay fadhigooda

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aan la aqbali karin hub iyo ciidan lala yimaado Garoonka Muqdisho