Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Jubbaland, Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Taliyaha AFRICOM?

Magaalada Kismaayo waxaa maanta tagay Danjiraha Mareykanka Arrimaha Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Taliyaha Howlgalka Mareykanka qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOMStephan J. Townsen.

Madaxtooyada Kismaayo waxa ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo saraakiil kale oo katirsan Maamulkaas, waxa ay kawada hadleen Xaaladda ka taagan Gobolka Gedo, Xalinta Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Image may contain: 1 person, standing and suit

Qoraal ay daabacday Madaxtooyada Jubbaland waxaa lagu sheegay in kulanka uu kusoo idlaaday si degen, isla markaana labada dhinac ay isla wada garteen dhammaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

“Danjiraha iyo Madaxweynahu ugu horayn waxaa ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan Gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee Dowlada Federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga Dowladu ay halkaas Weerarka ku qaaday ay ka jirtay Xaalada adag waxaana la isku raacay in Dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii Maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray Gobolka Gedo” ayuu lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

“Waxaa kale oo kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka”waa sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Kulankaan waxa uu daba-socdaa kulamo Axmed Madoobe uu Nairobi kula qaatay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Mareykanka iyo wakiilo kala matala qaar kamid ah Dowladaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

MM Editor

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo Wasaaradda Gaashaandhigga u tagay qiimeynta hannaanka dib u dhiska Ciidanka.

Read Next

Mareykanka oo dib u bilaabay taageerada Militari uu siiyo Ciidamada Dowladda.