Dowladda Soomaaliya oo muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge gudaha xerada Xalane

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge, oo ah nin u dhashay dalka Ingiriiska, kadib markii lagu eedeeyay inuu amar la’aan ku duubay goobo xasaasi ah oo ku yaalla gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay arrintan kala hadashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed kadib Ryan Bridge uu ugu dambeyn u safray dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalkiisa Ingiriiska.

Ryan Bridge ayaa caan ku ah ololaha uu ka dhanka ah yahay soo-galootiga ku nool dalka UK, waxaana la sheegay inuu berri oo Isniin ah hor tagi doono maxkamad ku taalla dalkaas.

Dhacdadan ayaa timid xilli uu Ryan Bridge booqasho iyo muuqaallo duubis ah ka sameynayay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlayay xaaladda amniga iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Aadan Mqdoobe oo guddoomiyay kulan diirada lagu saaray xaaladda Amni ee Koofur Galbeed

Read Next

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Hubka oo laga mamnuucay