Madaxweyne Farmaajo oo Wasaaradda Gaashaandhigga u tagay qiimeynta hannaanka dib u dhiska Ciidanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray ku tagay Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.

Image may contain: 2 people, people sitting

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Argagixisada.

Image may contain: 5 people

“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Waxaa Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka isaga oo ka daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.

Image may contain: 1 person, sitting, suit, eyeglasses and indoor

Saraakiisha Ciidamada Dowladda waxa uu uga mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo howlaha ay qabteen, waxaana Xarunta kusii sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Image may contain: 1 person, suit

Howsha dib u habeynta Ciidamada Dowladda waxaa u xil saarnaa Ra’iisul Wasaare Kheyre, Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

Image may contain: 2 people, indoor

MM Editor

Read Previous

Reccep Tayyip Erdogan:- Cirka iyo dulka ayaan ka weerari doonaa Ciidamada Suuriya.

Read Next

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Jubbaland, Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Taliyaha AFRICOM?