Maxay kawada hadleen Cali Balcad & Senator Ted Cruz?

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in uu kulan la yeeshay Senator Ted Cruz oo dhowaan Madaxweynaha Maraykanka ugu baaqay in uu Maamulka Somailand u aqoonsado Dal madaxbannaan.

Cali Balcad ayaa sheegay in uu Senatarka kala hadlay sugidda amniga, la dagaalanka ‘AS’ iyo taageerrada Maraykanka uu siiyo Soomaaliya maadaama ninkaan ay isku xisbi yihiin Madaxweynaha talada haya ee Donald Trump.

Senator Ted Cruz oo ka tarisan Aqalka Sanedka ee Maraykanka ayaa Auguts 14, 2025 waxa uu sheegay in uu Madaxweyne Donald Trump u gudbiyay warqad uu uga dalbanayo aqoonsiga Somaliland isaga oo ka sheekeeyay waxyaabaha ku dhaliyay go’aankiisa.

Falcelin xooggan oo qaarkood ka timid xubno u dhashay Maraykanka ayaa ka yimid hadalkaas Senator Ted Cruz, waxaa loogu baaqay in uu joojiyo faragelinta uu ku hayo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ilhaan Cumar oo Jawaab kulul siisay Madaxweyne Trump oo wax ka sheegay

Read Next

Imaaraatka oo Soomaaliya ku daray Dalalka uu ka mamnuucay Fiisaha dalkaas in ay helaan sanadka 2026