Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, Mojtaba Khamenei ayaa ka baaqday ka qaybgalka aaska qaran ee loo samaynayo aabihiis sababo la xiriira in laga fogaanayo beegsi ka imaan kara dhinaca Israa’iil sida ay ku warrameen ilo amni.
Mojtaba oo jecel in uu ka qaybgalo aaska aabihiis ayaa ka baaqsaday maadaama xaalado dagaal oo aad u adag uu dalkiisa kula jiro Israa’iil oo garab ka heleysa Maraykanka oo gacantooda uu ku baxay Hoggaamiyaha la aasayo ee Ayatollah Ali Khamenei.
Paul Murgrave oo ah ku xigeenka Jaamacadda Georgetown ee Qatar oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa sheegay in tallaabada maqnaashiyaha ee Mojtaba Khamenei ay tahay mid dhinaca nabadgalyada ah si aanay u dhicin beegsi kale.
Xitaa munaasabadda waxaa la sheegay in aanay qayb ka ahayn mas’uuliyiin katirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxaana difaaca sare la geliyay Nidaamka Hawada si loola socda dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Aaskaan.
Mustaqbal
