Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Kumanaan dhalinyaro ah oo ka careysnaa musuqmaasuqa, eexda iyo xannibaadda baraha bulshada ayaa bannaanbaxyo isbadal sababay ka dhigay dalka Nepal.
Kacdoonkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 19 qof, dhaawaca boqollaal kale, iyo burbur hantiyeed oo soo gaarey magaalooyinka waaweyn sida Kathmandu.
Dhalinyaradu waxay ka cabanayeen musuqmaasuq baahsan iyo shaqo la’aan, iyadoo fursadaha dhaqaale iyo shaqo ee gudaha dalka ay aad u xaddidan yihiin.
Baraha Bulshada waxaa lagu arkay Madaxdii dowladda oo la garaacayo, ayna eryanayaan dhalinyarro carreysan. Ra’iisul Wasaarihii dalkaasi Khadga Prasad Oli ayaa ku qasbanaaday inuu is casilo.
Mudaharaadayaashu waxay gubeen dhismayaal dowladeed, iyadoo milatariga Nepal uu qaaday uu isku dayay inuu xakameeyo balse ‘taladii ayaa faraha ka baxday’
Dibadbaxyadani waxay muujinayaan awoodda dhalinyarada ee isbeddelka, waxayna tusaale u yihiin sida cadaalad darro iyo musuqmaasuq ay u horseedi karaan kacdoon.
In ka badan 13 kun oo dad ku xirnaa Xabsiyada dalka Nepal ayaa baxsaday, kuwaasi oo ku eedeysana dambiyo kala duwan.
Mustaqbal
