Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dagaalka AS iyo sare u qaadida dhaqaalaha dalka.
Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay heshiis iskaashi oo dhexmaray Soomaaliya iyo Rwanda.
Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyay in hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga iyo Istiraatiijiyadda Qaran ee Haweenka Nabadda iyo Amniga.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa, iyadoo lagu sheegay in 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar abaareed, waxaana Ra’iisul Wasaare Barre uu amray hay’adaha dowladda inay dardargeliyaan dadaallada gurmadka degdegga ah si looga hortago sii xumida xaaladda.
Mustaqbal
