Maxaa isu keenay Iskufilnaansho cunto “Food self-sufficiency” ayaan gaareynaa & dagaalkii 1977?

Dabayaaqadii 1974 iyo billowgii 1975 ayaa Allaha u wada naxariistee rag badan oo kamid ahaa golaha sare ee Kacaanka si gaar ah Saraakiishii  Ciidanka XDS ee xoogga ku qabsaday talada Waddanka 1969 waxa ay is tuseen in ay qaadi karaan Olole kusaabsan Hirgelinta Isku filnaansho cunto oo Waddanku gaaro.

(Food self-sufficienc program)! Jaalle Siyaad ayaa billaabay in uu si joogto ah u adeegsado halhayska Biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa.

Odayga iyo Saaxiibadiis iskamaba fiirin Siyaasadda World Food Programme WFP & Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) ee ku wajahan in Waddamada qaarkood laga illaaliyo in ay isku filnaadaan cunto ahaan ama ay cunaan wax ay iyagu beerteen, Calashaan waa in ay ahaadeen Rukunka badeecada Waddamo kale (Consumers-المستهلكين).

Mashaariic #Lipsoma kamid yahay ayay fureen, Illeen Balaayaba kama horreyso Isku filnaansho cunto ayaan gaarayaa! Waa la qariyaa ee Saraakiishu umaba haystaan in la joojin karo!

#Xaafid Al-Asad Kheyr beelaha hadda Suuriya haysta Aabihii oo isna xoog ku haysta talada Waddankiisa &  Kii Waalnaa ee Liibiya Colonel Qaddaafi ayaa Waalay Maxamed Siyaad oo Waxa ay lahaayeen- #Keep going- #Kusoco!

Basaas kamid ah Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Soomaaliya ayaa isaga oo raadinaya miraha Bariis ku habboon Soomaaliya kuna socda Laatiin Ameerika ayaa ku dahaar beddesha #Dimishiq iyada oo waxa sirdoon jooga bariga dhexe ogyihiin hayeeshee Jaalle Siyaad loo sheego in 100% ay arrintu sir tahay!

Madaxda Waddamo Afrikaan ayaa si qarsoon ugu sheegay Madaxweyne Jaalle Siyaad iyo Raggiisaba in ay Balaayo faraha la gelayaan haddii ay si muuqata u billaabaan Somalia Food self-sufficiency Program

1976 Ruushka ayaa Weydiiyey Siyaad Barre in ay rabaan in lagu caawiyo sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen dhulka Xabashidu ka haysato, Iska faham haddaad aragto Raashiya oo dagaal taageereysa Hub beec ah ayaa Baqaarada uga buuxa  tijaabo ayaa loo rabaa!

Haa! waa rabnaa ayuu ugu jawaabay, Mareykanka oo markaas Xabashida la safan ayaa helay fiursadda lagu dhabjin karo sheekada #Somalia #Foodself-sufficiency program, Brezink oo ahaa la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa qaatay Waajibka ah sidii ay isugu dhici lahaayeen Midowga Soviet union iyo Siyaad Barre kaddibna Loogu taageeri lahaa Jaalle Siyaad in uu galo dagaalka Soomaaligalbeed, Lacagta iyo Shidaalka dagaalka lagu gelayaa Waa deyn, Sucuudiga ayaana sii bixinaya!

Maxamed Siyaad! Raashiya oo aad u rabta fahamsanna in dabkii ay shidday Mareykanku ka faa’iideysanayo ayuu iska filqay kaddibna Mareykanka ayaa ka dalbaday Sucuudiga in Soomaaliya ay ku taageerto Dagaalka kadhanka ah Itoobiya, ha dhanaqdo!

Ruushkii iyo Vidal Castaro oo inkaar qaba ayaa dhinaca Itoobiya u Wareegay, Wixii kadhacay waa layaabay, dagaal-yare caalami ah ayaa dhacay

Barnaamijkii Food self-sufficiency waxaa beddelay Balaayadii sababtay in Jabhado kacaan oo Waddankii isku filnaansho cunto raadinayey uu Waayo Kaalmadii la siin jiray!

Shinbirtu marka ay Baalkeeda hubsato ayay buubtaa!

#FG:Macluumaadka intiisa badan waxa i siiyey

  1. Xiirane oo kstirsanaa NSS ( N.S.S 1976-1991 ) inyar oo kamid Ahna waxa aan ka qoray wareysi RT today ka qaadday u qaybsanihii Milatariga ee Safaaradda Ruushka ee Adis Ababa

WQ: Ahmed Isse Gutale

MM Staff

Read Previous

Sacdiya Axmed: General Mukhtaar 16 sano ayuu xoog ku haystaa gurigeena!

Read Next

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo lagu soo dhaweeyay Hargeysa!