Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

Isbaddel muuqda ayaa ka jira howlgalka togan ee la dagaalanka Musuqa oo xooggiisa ka socda xafiisyada iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, howlgalkaan ayaa billowday dabayaaqadkii Bishii Abriil 2023.

Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo xafiisyada ku shaqada leh la dagaalanka Musuqa ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo lagu baaray meelaha musuqa ama wax is dabamarinta ka jiraan si loosoo afjaro.

Mustaqbal ayaa ogaatay isbaddelka ka dhashay baaristaas iyo natiijada togan ee kasoo baxday iyada oo isbaddel weyn uu ka muuqdo dakhliga Dowladda Federaalka ee Garoonka Diyaaradaha Bilihii u dambeeyay marka la barbar-dhigo wixii ka horreeyay baarista.

Meelaha ugu badan ee Hagaajinta Maaliyadda iyo la dagaalanka Musuqa lagu sameeyay waxaa kamid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu firfircoon ee dhaqaalaha Dowladdu ka hesho.

Fiisaha & Fasaxa Shaqada waa meelaha raadka isbaddelka Togan uu kasoo shaac-baxay, dakhliga ayaa ka wanaagsan sidii hore oo kor ayuu u kacay tan iyo markii uu billowday howlgalka la dagaalanka Musuqa.

Dakhliga ka soo xarooda kordhinta fiisaha Ajaanibta ayaa bishii Janaayo 2023kii waxa uu ahaa 423,950-dollar halka uu bishii la soo dhaafay ee June 2023 gaaray 480,550-dollar, waana koror gaaraya 13%. Sidoo kale dakhliga ka yimaada fasaxa shaqada ayaa janaayo 2023kii ahaa 36,500-dollar, halka uu bishii tagtay ee June 2023 gaaray 340,730-dollar; waana koror ka badan 800%.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, Xafiisyada iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladdu waxa ay wadajir u sheegeen in ay dagaal adag la galeen soo afjaridda Musuqa oo ah dhibaatada ugu weyn ee cuuryaamineysa dhaqaalaha iyo kobaca dakhliga Dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

MW JFS Xasan Sheekh: “Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ogol in la I dhaho aragtidaan kulama-qabo”.

Read Next

Ciidamada Ammaanka Kenya oo xiray Rag u dhashay Tanzania oo rabay in ay ku biiraan ‘AS’.