Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Markabka lagu magacaabo MV SEA WORLD ee dhowaan laga sii daayay Dekedda Boosaaso oo ku dhowaad 20 cisho ay ku heysatay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa kusoo xiranaya Dekedda Muqdisho si looga dejiyo hubka iyo saanadda kale uu wado.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Ilaalada ka ah Xerada Turksom ee saanaddaan Militari loo wado ayaa heegan la geliyay si ay u adkeeyaan Amniga muddada lagu howlan yahay Dejinta hubkaas iyo agabka ciidan ee saaran.
SEA WORLD waxaa sii deyntiisa ka qaybqaatay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ciidan kuwaas oo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland kala xaajooday in lasii daayo maadaama hubka saaran loo wado Xerada Turksom.
Dowladda Federaalka si dhammeystiran uma faah-faahin saanaddaan inta ay gaarsiisan tahay balse waxaa laga soo xigtay in ay ugu talagaleen Xerada Turksom oo Macallimiinta u dhashay Dalkaas ay ku tababaraan Ciidamo Soomaali ah.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
