Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Dawladda Maraykan ayaa doonaysa in ay si dhamaystiran u baabi’so Awoodda Xuutiyiinta Yaman oo ay dawladda Iran teegeerto, si aay amaan ugu hesho Maraakiibteeda iyo howlaha ay ka waddo marin badeedka Baabul-mandab.
Maraykanka oo damaciisu yahay yareenta awooda kooxdaan ayaa wadamada geeska Africa ee ku teedsan marinka Baabul-mandab sida Jabouti, Eritrea, iyo Soomaaliya waxa uu ka doonayaa hirgalinta salidhig Milateri oo uu si sahli kara weeraro uu gaysto Xuutiyiinta.
Dawladaha Eritrea iyo Jabuuti oo uu Maraykanku horayba ugu lahaa saldhig Milateri ayaa iska diiday in dhulkooda laga weeraro Xuutiyiinta Yaman, iyaga oo ka baqdin qaba in dalalkooda ay noqdaan kuwa lagu kor dagaalamo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maraykanku hadda uu si xoogan u doonayo in uu Soomaaliya ka helo saldhig milatery oo uu Xuutiyiinta ka weeraro.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa April 2, 2025 waxaa uu dalka Jabouti ku tagay safar ajandihiisa lagu soo gaabiyay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, balse warar kale ayaa sheegaya in madaxwaynaha Jabouti uu u yeeray madaxwayne Xasan Sheekh si uu ugala hadlo saldhig milatery oo uu Maraykanku ka helo Soomaaliya.
Taliyaha howlgalka Africa ee ciidanka Maraykanka (Africom) Jeneral Micheal Langley ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ay xariir toos ah la leeyihiin xooxda Xuutiyiinta Yaman, isigaa oo sidoo kale sheegay in ay balaarin doonaan weeraradda ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warkaan ka soo baxay taliyaha ee ciidanka Maraykanka (Africom) ayaa dadka qaar waxa aay ku tilmaameen xeelad uu Maraykan uga bislaatsanayo Soomaaliya sildhig milatery oo uu Xuutiyiinta ka weeraro.
Mustaqbal
