Mareykanka oo sheegay inuu 24 Shabaab ah ku dilay duqeyn ka dhacday Hiiraan.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa sheegay in duqeyntii 9-aad ay ka geysteen bishii koowaad ee sanadkan 2019.

Duqeynta oo ka dhacday deegaan lagu magacaabo Shabeeleey, ayaa lagu dilay 24 Shabaab ah, sida uu sheegtay Mareykanka, Deegaanka la duqeeyay waxa uu Koofur ka xigaa xarunta gobolka Hiiraan.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Mareykanka, ayaa sidoo kale meesha looga saaray in wax shicib ah ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka dhinaca Cirka ah, wuxuuna Mareykanka sheegtay inuu sii wadayo weerada ka dhanka ah Kooxaha ay ugu yeeraan Argagixisada.

Majirto wali wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo la xiriirta weerarkan cusub uu Mareykanka ka gyestay ARbacadii duleedka magaalada Beledweyne.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway ee Soomaaliya.

Read Next

Itoobiya oo markii u horeysay qabatay hogaanka howlgalka Amisom ee Soomaaliya.