Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay warbixin ay soo saartay Hay’adda Amneysty International oo ku saabsaneyd in duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya ay ku dhintaan dad rayid ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu beeniyay warbixinta Amnesty waxaana lagu sheegay in Amnesty aysan warbixinteeda waafaqsaneyn midd ay hayaan iyaga ee la xiriira weerarrada ka dhaca Soomaaliya iyo Khasaaraha rayidka ka soo gaara.
Africom waxaa ay sheegtay in weerarrada ay ka fuliso Soomaaliya ay la socoto dowladda Soomaaliya sidoo kalena wada howlgalaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka.
Hay’adda Amnesty ayaa waxaa ay soo jeedisay 13 eedood oo loo jeediyay Ciidamada Mareykanka ee weerarrada ka wada Soomaaliya.
Qoraalka Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty waxaa lagy sheegay in 5 weerar oo uu Mareykanka ka geystay Soomaaliya lagu dilay 14 qof oo shacab ah.
Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in Amnesty ay wareysatay 65 goobjoogayaal ah, Sawirro laga qaaday dhacdooyinkaas, kuwo dhinaca satellite-ka lagu qaaday iyo qoraallo lagu daabacay baraha bulshada oo watay caddeeymo ku filan intii u dhaxeysay October 2017 ilaa December 2018.
