Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in saddex ka mid ah Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay ku dishay duqeyn 18kii Bishan ay ka geystay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Sidoo kale warka Mareykanka waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka warqabo warar sheegaya in duqeyntaasi ay dad rayid ah wax ku noqdeen, islamarkaana baaritaan lagu sameynayo.
Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in haddii dhinac saddexaad uu xaqiijiyo dhimashada dadka rayidka ah uu Mareykanka qaadanayo xogtaas dib u eegisna ku sameynayo.
Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan kaliya 24 weerar ka geysatay gudaha Soomaaliya,waxaana ay ku sheegtay in inkabadan 200 oo ka mid ah Al-shabaab ay ku dhinteen.
