Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar 11kii Bishan ka dhacay degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in labo weerar laga fuliyay degaankaas.
Weerarka 1aad ayaa lagu sheegay in lagu dilay 11 ka mid ah Al-shabab sidoo kale weerarka labaad ayaa lagu sheegay in lagu dilay 4 ka mid ah Al-shabaab.
Qoraalka ayaa sidoo kale Africom,waxaa ay ku sheegtay in lagu bur buriyay dhismayaal ay Al-shabaab ku keydsanayeen walxaha qarxa, xarun canshuuraha lagu qaado iyo meelo kale.
Weerarkan ayuu Mareykanku sheegay in ay xoggaaminayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwa Mareykanka ahna ay caawinayeen.
Qoraalka waxaa lagu xusay in weerarkaas uusan wax khasaare ah u geysan dadka degaanka,iyaga oo intaas ku daray in weerarkani ka mid ahaa tiro weerarro ah oo looga hortagayo qatarta Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in weerarkaas lala beegsaday Guryo ay degganaayeen dad rayid ah islamarkaana lagu bur buriyay guryo ay leeyihiin dad shacab ah.
