Marco Verratti oo ugu dambeyn go’aamiyay mustaqbalkiisa PSG.

Xidiga qadka dhexe ee kooxda PSG iyo xulka Taliyaaniga Marco Verratti ayaa ugu dambeyn go’aan cad ka gaaray mustaqbalkiisa PSG.

Verratti ayaa kahor kulanka xulalka Italy iyo Portugal ee tartanka UEFA Nations League, wuxuu ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda PSG wuxuuna yiri”

“Kuma fikirayo inaan ka dhaqaaqo kooxda, mana xiiseenayo waxa ay warbaahinta ka hadleyso, qaab wanaagsan ama qaab xun intaba”.

“Waxaan u ciyaarayaa koox igu kalsoon ee aan ixtiraamo, 7 sano ayaan la joogaa kooxdan, wax dhibaato ah kuma qabin macalinka, gaar ahaan marka ay kooxda dooneesay inay shaqaaleyso xidigo waaweyn sanad walba” ayuu yiri Verratti oo ka hadlay wararka sheegaya in uu kooxdiisa PSG ka tagayo bisha janaayo.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Somalia Moves to Join EAC Bloc

Read Next

Askar ka mid ah Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland oo lagu dilay Boosaaso