Askar ka mid ah Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in labo ka mid ah Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ay dhinteen kaddib markii uu toogtay Askari kale.

Toogashada ayaa billabatay kaddib markii Ciidamada Ilaalada Xeebaha dhexdooda oo kaftamaya uu Askariga wax dilay ka carooday kaftanka sidaasna rasaasta ku furay.

Ciidamada ayaa xilligaas ku sugnaa Maqaayad ay ku qayilayeen oo kudhow Saldhigga ugu weyn Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamadan ayaa waxaa tababar iyo Mushaarba siiya Dowladda Imaaraadka Carabta,waxaana ay Puntland kula dagaallantaa Burcad Badeedda,Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Askariga dilka geystay islamarkaana uu hadda xabsi ku jiro loona wareejinayo hay’adaha garsoorka.

Mustaqbal media

Read Previous

Marco Verratti oo ugu dambeyn go’aamiyay mustaqbalkiisa PSG.

Read Next

Jordi Alba oo ka hadlay qilaafka u dhaxeeya isaga iyo Luis Enrique, Muxuu yiri?