Maqal: Sidee u dhacay dilka Sawir-qaade Cabdirisaaq Qaasim Iimaan?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil Magaalada Muqdisho loogu geystay Sawir qaade katirsanaa Tv Cusub oo lagu Magacaabo SBS.

Dilka, si gaar ahw axa uu uga dhacay Halka loo yaqaano VIA LIBERIA, Askari katirsan Ciidanka Booliska ayaa Madaxa ka toogtay Sawir qaade C/risaaq Qaasim Iimaan oo xiligaas saarnaa Mooto Bajaaj, wuxuuna usocday shaqo maadaama Cameroyinkiisii watay.

Marxuumka iyo askariga dilay ayaa la sheegay in uu soo dhex galay muran daqiiqad kabadan aan socon iyadoo markii dnabe laga war helay Marxuumka oo dhulka yaala, iyada oo dhiig fara abdan uu ka daadanayo.

Ninkii waday Moota Bajaajta uu saarnaa Marxuum Qaasim ayaa Mustaqbal usheegay in Ciidamo goobta ka agdhwaa uu uqeyla dhaansaday balse aaney usoo bixin taasoo keentay in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsado.

Dhageyso Wareysiga Wadihii Mooto Bajaajta Sawir qaadaha lagu dilay:

Mustaqbal media

Read Previous

Golaha Wasiirada oo amar siiyay Taliyaha Ciidanka Booliska, Magacaabayna 3 Safiir.

Read Next

Wasiir Cawad oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya