Manchester United oo xidig muhiim u ah weyneysa kulanka 20-bishan ay la ciyaari doonaan Chelsea.

Laacibka qadka dhexe kooxda Man United iyo xulka Serbia ayaa shaki wayn la galiyay inuu ciyaari karo kulanka ay la ciyaari doonaan dhigooda Chelsea.

Qabiirkan qadka dhexe ayaa laga saaray safka xulka Serbia sababo la xariira dhaawan aan la cayimin.

Wuxuu seegi doonaa kulamada xulkiisa ee cayaaraha horyaalada qaramada yurub oo ayna la ciyaareyso  Montenegro iyo Romania.

Dhaawaca Matic ayaa sido kale la micno tahay in jaaniska uu u hesyto inuu wajaho kooxdiisii hore ee Stamford Bridge 20-ka bishaan October ay tahay mid isku dheelo tiran.

30-jirkaan ayaa ilaa haatan kasoo muuqaday kooxda Red Devils siddeed cayaar xagaagan isagoo 90-ka daqiiqo dheelay kulankii ay guusha soo laabashada leh ka gaareen Newcastle.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Booliiska Kenya oo dilay Macalimiin ay ugu shakiyeen Al-Shabaab.

Read Next

RW Kheyre iyo Boqor Salmaan oo ku kulmay Magaalada Riyadh. (Sawirro).