Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Manchester United ayaa diyaar u ah in ay lasoo saxiixato laacibka Wolves Ruben Neves waxayse tartan adag kala kulmeysaa Manchester City si ay usoo qaadato Saxiixa laacibkan Bisha January haddii Pep Guardiola kooxdiisu aysan Yabooh ku filan laacibkan gaarisiinin, Metro ayaa sidaas ka warqabta.
Jose Mourinho ayaa waqti dheer la dhacsanaa hab ciyaareedka laacibkan ay isku dalka yihiin ee 21-jirka ah, waxayna labada nin sidoo kale wadaagaan Wakiilka oo waxaa u wada ah wakiil Jorge Mendes, oo sida badan uu ciyaartoyda u dirsado macallinka Manchester United.
Mendes ayaa wuxuu ka dambeeyay in Neves uu ku biiro kooxda Wolves xilli ay ka ciyaareysay horyaalka Championship ee heerka hoose, iyadoo Mourinho uu doonayo laacibkan reer Portuguese ee Khadka dhexe ka ciyaara ayaa hadda ku jira Sanadkiisii koobaad ee Premier League.
City ayaa ku fashilantay Saxiixa Jorginho xagaagii hore, waxayna taasi ku qasabtay tababare Guardiola in uu raadiyo xiddigo beddeli kara laacibkaas, indhaha ayaana durbadiiba soo qabtay Neves oo ka mid ah xiddigaha Suuqa January uu ka doonayo.
Wargeyska Metro ee dalka England ayaa sheegaya in Man Utd ay hadda kusoo Biirtay Tartanka loogu jiro Saxiixa laacibkan Dalka Portugal.
