Mali & Burkina Faso oo qaaday tallaabo ay Donald Trump uga aargoosanayaan

Dalalka Mali & Burkina Faso ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Dowladda Maraykanka isla markaana jawaab u ah Tallaab hore oo Madaxweyne Donald Trump uu qaaday.

Bayaan kasoo baxay labadaan Dowlad ayaa lagu sheegay in markii uu Donald Trump uu dalkiisa ka mamnuucay Muwaadiniinta Mali iyo Burkina Faso in iyane ay qaadeen tallaab jawaab u ah oo Muwaadiniintiisa looga joojiyay dalalkooda.

Mali & Burkina Faso ayaa noqday Dalalkii ugu horreeyay ee qaaday tallaabooyin loogu aargudayo Muwaadiniintooda laga joojiyay u safarka Maraykanka inta uu jirayo amarka kasoo baxay Madaxweyne Donald Trump.

Maamulka Trump ayaa dhowaan soo rogay xayiraad aan xadidnayn muddada ay soconayso oo ka dhan ah Muwaadiniinta Dalal badan oo Soomaaliya ay kamid tahay oo lala joojiyay in ay u safraan Dalkiisa isaga oo saaray cilado kala duwan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Guddoomiye Muungaab oo sheegay in sanadka 2026 aanay Muqdisho lagu arki doonnin Waddooyin Burbursan

Read Next

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan gaar ah la yeeshay safirka Shiinaha