Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
George Herbert Walker Bush Madaxweynihii 41aad ee Mareykanka ayaa geeriyooday subaxnimadii hore ee maanta, Waxaa uu ku geeriyooday da’da 94aad,geeridiisa waxaa saaka xaqiijiyay xubnaha qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Wiilkiisa George Walker Bush madaxweynihii 43aad ee Mareykanka.
Waxaa uu 1980kii Madaxweyne ku xigeen u noqday Ronald Reagan, waxaa uu sidoo kale soo noqday agaasimaha C.I.A-da Mareykanka.
Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah xiriirkii uu la sameeyay Midowgii Soviet-ka iyo weerarkii uu ku qaaday Saddam Xuseen ee uu kaga saaray Kuwait.
20 Sano ayuu degganaa aqalka cad, afar Sano isagaa Madaxweyne ahaa, 8 Sano waxaa uu ahaa Madaxweyne ku xigeen, iyo 8 Sano oo uu Madaxweyne ahaa wiilkiisa George W. Bush.
Todobaadyadii ugu dambeeyey ee xilkiisii madaxaweyne ayuu saxiixay in faragelin Milateri lagu sameeya dhibaatadii macluusha iyo gaajada lahayd ee xilligaas ka taagnayd Soomaaliya kaddib dagaalkii qararaa ee dhexmaray Jabhadihii riday xukunkii kelitaliska ahaa ee kacaanka, waxa uu amray in 28000 oo ciidan loo diro Muqdisho

January-2-1993 ayuu booqasho ku tegey Soomaaliya, waxa uu booqday Muqdisho iyo Baydhaba, waxaana xilka uga dambeeyey Bill Clinton oo 1994 saxiixay qaraar ciidanka Mareykanka looga saarayo Soomaaliya kaddib dagaal sababay in ay dhintaan inta la og yahay 18 Askari oo mareykan ah iyo tiro aad u badan oo Soomaali ah.
Muuqaalkan hoose waxa daabacay CBS News
Mustaqbal Radio
