Madaxweyne Xasan Shiikh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka qeyb galay shirweynihii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Intii uu joogay shirka, Madaxweynaha ayaa kulamo doceedyo kala duwan la yeeshay hoggaamiyeyaal caalami ah, isagoo ka hadlay arrimo khuseeya xaaladda Soomaaliya iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu berri si rasmi ah u furo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhici doona xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ayaa ku soo aadaya xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Mucaaradka iyo Dowladda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxaa looga hadlay kulanka Wasiir Fartaag iyo Danjire James Swan?

Read Next

Kooxda Muqdisho City oo ka badisay Naadiga Kenyan Police